Ciidamada Xoogga oo jab xooggan gaarsiyey shayaadiinta Al-Shabaab howl-gal ay CXD...

Ciidamada Xoogga oo jab xooggan gaarsiyey shayaadiinta Al-Shabaab howl-gal ay CXD ka fuliyeen degaanka Jilib Marka

423
0
SHARE

Howl-gallo baaxad leh oo ay Ciidanka xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan guutada 14 Oktoobar ka fuliyeen degaanka Jilib Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa lagu bur-buriyay fariisimo ay halkaasi ku lahaayeen malleeshiyada Al-Shabaab.
Howlaglkan oo Ciidanka xoogga fuliyeen Xalay ayaa sidoo kale waxay halkaasi ku dileen ugu yaraan Lix xubnood oo ka tirsanaa nabad-diidka, iyagoo sidoo kale kala wareegay Hub iyo Saanad Millitari.
Qaar ka mid ah Saraakiisha xoogga Dalka ee hoggaamineysa dagaalka ka dhanka ah Argagixisada ayaa xaqiijiyey in ay weli halkaasi ka wadaan howlgallo lagu baacsanaya haraadiga Kooxda Al-Shabaab welina ay ku raad joogaan.
Nabad iyo nolol diidka ayaa tabardari awgeed ku dhuumaaleysanayo hoodadka ayagoo ka cabsi qabo in la dabar gooyo