Cutubyadii ugu Balaarnaa ee Ka Tirsan Taliska Qaybta 21’aad oo ka Ruuqaansadey Magaalooyinka Guriceel iyo Dhuusamareeb ayaa Gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan fariisinna u ah Ciidamada Xoogga Dalka Qaybtooda 27’aad Saraakiil Sare oo ka Tirsan Qaybta 21aad oo uu Hugaaminayo Taliyaha Qaybta General C/Casiis C/Laahi “Qooje” ayna WehlinayaanTaliyaha Guutada 13aad G/Le Craxmaan Moalim “Timadheere” , Taliyaha Guutada 15aad General Mascuud Maxamed iyo Taliyaha Ururka 21aad ee Danab G/Le Muqtaar Abdulle ayaa Taliska Guud ee Qaybta 27aad kala Arinsan Doono sidii la iskaga Kaashan lahaa Dagaalka lagula Jiro Qawaarijta nabad iyo nolol diidka Alshabaab , Ciidamadan ayaa Qayb ka Noqonaya Howlgal balaaran oo Dhowaan lagu Wajahayo Deeganada cadawgu ka joogo Galmudug Iyo Hirshabelle waxaana Bilaabanaya Qorshaha isku Xirka Qaybaha Xoogga Dalka kaa oo Saldhig u ah Nidaamka Ciidan ee Fududeynaya in la Fuliyo Howlgalo Dhameys tiran oo Dhabarka ka Jabin doonna Dhagarta Cadawga arxan laawayaasha Alshabaab