Ciidanka Xoogga dalka ayaa in ka badan 20-ka tirsan argagixisada Al-Shabaab ku dilay duleedka deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha markii maleeshiyada ay isku dayeen iney weeraraan saldhig Ciidanku ku leeyihiin deegaankaasi.
Taliyaha Ciidanka Ddhulka Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida u sheegay in jab xooggan la gaarsiiyay maleeshiyada Al-Shabaab markii ay isku dayeen xalay iney weerar ku soo qaadaan saldhig ciidanka Xoogga dalka ku leeyihiin duleedka deegaanka Bariire,halkaasina looga dilay in ka badan 20-ka tirsan maleeshiyadooda Al shabaab iyadoona halkaasi tiro intaasi ka badana looga dhaawacay.
Generaal Odawaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay ka feejignaayeen dhagarta cadowga ummadda Soomaaliya,islamarkaana weerarkaasi ay ku halaagsameen maleeyshiyaadka al-shabaab,Ciidanka Xoogga Dalkana ay guulo ka soo hoyyeen.
Ciidanka Xoogga Dalka ayaa maalmihii ugu dambeeyay ka waday howlgallo lagu baacsanayo argagaxisada gobolka Shabeellaha hoose, iyadoo maleeshiyada Al-shabaab ay soo wajahday cabsi xooggan oo uga imaaneysa Ciidamada geesiyaasha Qaranka Soomaaliyeed.
Dhawaan ayeey aheyd markii deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobolada Dalka laga xureeyay cadowga Ummadda Soomaaliyeed.