Khawaarijta shayaadiinta Shabaab iyo horjoogayaal katirsan oo Howlgallo lagu dilay kaasi...

Khawaarijta shayaadiinta Shabaab iyo horjoogayaal katirsan oo Howlgallo lagu dilay kaasi oo ka dhacay Jubada Hoose & Hiiraan

464
0
SHARE

Howlgal ay sameeyeen ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa daraawiishta Jubbaland oo is garab sanaya ayaa lagu khaarijiyay maleeshiyaad ka tirsan koxda Argagixisada ah ee Alshabaab,kaasi oo ka dhacay gobolka Jubada Hoose.
ilaa 15 xubnood oo ka tirsan Maleeshiyada Shayaadiinta Shabaab ayaa lagu dilay howlgalkaasi oo ka dhacay deegaanka Bandar-jadiid oo u dhow Buundada Araare ee gobolkaasi Jubbada Hoose,islamarkaana ay nolosha ku qabteen mid kamid ah maleeshiyaadkaasi,sida uu xaqiijiyay taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Janaraal Odawaa Yuusuf Raage.
Sidoo kale Taliyaha ciidanka Xoogga Dalka ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Xoogga dalka hawlgal ay ka fuliyeen inta u dhaxaysa Jalalaqsi iyo Buuleburte lagu dilay Ibraahim Cabdi Turceey oo ahaa madixii Jabhadaha Al-shabaab ee gobolka Hiiraan iyo Xasan Yare oo ahaa madixii Miinooyinka.
Tan ayaa muujinaysa in uu sii xoogaysanayo howlgalka ka dhanka ah qawaariijta argagixisada Alshabaab,kuwaasi oo muddooyinkii ugu dambeeyey cabsi dardeet umirqay kana cabsi qaba cududa militeri ay lee yihiin ciidanka xoogga