Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Celmi Indhaqarshe iyo Taliye ku xigeenka Xogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa Maanta Xarunta Taliska Ciidanka Xoogga Dalka kulan kula qaatay Uqaabilsanaha Arimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl
Kulan ayaa waxaa goob joog ka ahaa Taliyaasha Ciidamada Bada,iyo cirka waxaana ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya
Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa sheegay in Dowlada Bakistaan ay Gacan ka geysaneyso dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka
Uqaabilsanaha Arimaha Ciidamada Dowlada Bakistaan u jooga Dalka Soomaaliya Kornel Eljal Abbasl ayaa dhankiisa sheegay in Dowlada Bakistaan ay Soomaaliya ka taageeri doonto tababarada iyo qalabeynta ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya