Taliye ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Saraakiil ka tirsan Xoogga...

Taliye ku Xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka oo Kormeeray Saraakiil ka tirsan Xoogga Dalka oo laga qaadayay Imtixaan’’Sawirro’’

274
0
SHARE

Taliska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa Maanta Saraakiil ka Tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ka qaaday Imtixaan loogu tartamayo Deeq Waxbarasho oo Dalka Dibadiisa

Goobta ay ka socotay qaadista Imtixaanaadka ayaa waxaa Kormeeray Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar

Madaxa Hogaanka tababarada Ciidanka Xoogga Dalka G/sare Mustaf Warsame  ayaa sheegay in saraakiisha Maanta Imtixaanka u fariistay lagu kala saari doono heerka Aqoontooda ka dibne kuwa ku guuleesta imtixaanka loo qaadi doono dalka Turkiga

Taliye ku xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Cabdi Xasan Maxamed  waxa uu sheegay in ciidanka xoogga dalka  dagaal kula jiro nabadiidka Al-shabaab isagoona dhanka kale sheegay dhismaha iyo horumarka ciidanka xoogga dalka uu meel wanaagsan marayo